Who we are:
Mohamed Ibrahim, MD
Dr. Mohamed Ibrahim is a General and Trauma Surgeon at Mercy Hospital, located at the north suburbs of Minneapolis, Minnesota. Dr. Ibrahim completed his specialty training at Hennepin County Medical Center in Minneapolis. Dr. Ibrahim was the first Somali medical student to graduate from the University of Minnesota Medical School with top honors.
Ismail Mualin, MD
Dr. Ismail Mualin is a practicing general medicine physician at Regions Hospital in St Paul. Dr. Mualin graduated from the University of Firenza in Italy. He finished his residency training at the University of Minnesota Medical Center.
Aidarus Amiin (Ahmed-yare)
Aidarus is an "IT" specialist at Hennepin County Medical Center in Minneapolis. He graduated from the Metropolitan State University in Minnesota.
YAYNU NAHAY (who we are):
Mohamed Ibrahim, MD
Dr. Mohamed Ibrahim waa dhaqtar ku taqasusay qaliinka guud iyo kan dhaawaca degdega ah. Waxaa uu tababarka qaaska ah ku sameeyey cusbitaalka Hennepin County Medical Center oo ku yaala Minneapolis. Dr. Ibrahim waxaa uu kasoo qalin jabiyey kuliyada caafimaadke ee Jaamacada University of Minnesota Medical School.
Ismail Mualin, MD
Dr. Ismail Mualin waxaa uu ku taqasusay caafimaadka guud, waxaa uuna ka shaqeeyaa cusbitaalka Regions Hospital oo ku yaala magaalada St Paul ee gobolka Minnesota. Dr. Mualin waxaa uu kasoo qalin jabiyey kuliyada caafimaadka ee University of Firenza oo kutaal wadanka Talyaaniga. Waxuu tababarka qaaska ah ee caafimaadka guud ku sameeyey cusbitaalka jaamacada University of Minnesota Medical Center oo Minneaplis ku yaal.
Aidarus Amiin (Ahmed-yare)
Aidarus waxaa uu taqasuskiisa yahay computerka ama "IT" waxaa uuna ka shaqeeyaa cusbitaalka Hennepin County Medical Center in Minneapolis. Ahmed-yare waxaa uu kasoo qalin jabiyey jaamacada Metropolitan State University oo kutaal gobolka Minnesota.
Duruufteena
Waxaa Somali Medical Charity loo disay in aan dadka Somaliyeed ka caawino baahida ay ka qabaan aqoonta caafimaadka, qaasatan qaybta qaliinka iyo caafimaadka guud. Waxaan si hagar-bax ku jirto isku dayeynaa in aan idinka jawaabno su'aalaha quseeya mowduucaan.
Waxaa kaloo rajo weyn ka qabnaa in ay noo suurto gasho in aan ka caawino cusbitaalada wadanka ku yaala baahida ay u qabaan qof ku taqasusay qaliinka iyo caafimaadka guud inagoo ku tabarucayna waqtiyaal go'an sanadkiiba.
Mission
Somali Medical Charity was established to help the Somali community locally and in the diaspora in meeting their needs regarding medical knowledge as it pertains to their health or those of their relatives. In addition to the information we decimate over the internet, we hope to be responsive to individual queries.
We hope to be able to offer assistance and exchange of ideas to our colleagues in Somalia be it material or in volunteering time.